Home Wararka Maanta Madaxweyne Laftagareen oo si diiran loogu soo dhaweeyay Baraawe (SAWIRRO)

Madaxweyne Laftagareen oo si diiran loogu soo dhaweeyay Baraawe (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo Koonfur Galbeed ay haatan ku shaqeyso Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmadaasi, oo hadda ay ku shaqeeyaan masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed faah faahin badan kama bixin, waxa uu la xiriiro safarkooda Degmada Baraawe, marka laga soo taggo in ay degmadaasi u yimaadeen howlo shaqo, isla-markaana ay guda galayaan.

“Shaqo badan ayaan qaban doonnaa hadduu Ilaahay yiraahdo, waqti badanaa isu heli doonnaa, wufuud kalena inay inoo timaadaa laga yaabaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay degmadaasi.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Caasimadda Muqdisho kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo habeen hore lagu soo geba-gabeeyay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc