Home Wararka Caalamka Madaxweyne Lula da Silva “Waxaan aragnaa dagaal inta badan dadka ku dhimanaya ay carruur yihiin”

Madaxweyne Lula da Silva “Waxaan aragnaa dagaal inta badan dadka ku dhimanaya ay carruur yihiin”

by Laacib

Madaxweynaha Brazil, Lula da Silva ayaa dhalleeceeyay hawlgalka militari ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza.

Madaxweynaha ayaa walaac xoogan ka muujiyay kumanaanka qof ee carruurta u badan ee lagu dilayo Marinka Gaza.

“Aad baan uga murugeysanahay inaan arko dhimashada 3,000 oo carruur ah oo lagu dilay Marinka Gaza, welibana dagaal aysan iyagu ka masuul ahayn.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa Arbacadan qoraal uu soo saaray ku sheegay in markii ugu horreysay ay arkayaan dagaal dadka ku dhimanaya ay carruur u badan yihiin.

“Waxaan aragnaa, markii ugu horreysay dagaal ay inta badan dadka la dilay ay yihiin carruur.” Ayuu yiri Lula da Silva, Madaxweynaha Brazil.

Madaxweynaha ayaa yiri “Ma jirto cid mauuliyad iska saareysa joojinta waxa socda, oo xitaa ma suurtagelin in aan soo saarno warqad ka timid Qaramada Midoobey oo lagu dalbanayo xabad joojinta.”

Madaxweyne Silva ayaa Maamulka Israel ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalkan aan sida kala sooca lahayn ee loogu leynayo dadka reer Gaza.

Dhanka kale Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro oo cambaareeyay xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in uu u yeeray Safiirkii dalkiisa u joogay Israel.

Madaxweynaha Chile, Gabriel Boric ayaa isna xaqiijiyay in Santiago ay u yeertay Danjiraheeda u fadhiya Tel Aviv, si ay wadatashi uga la sameyso xasuuqa ka sii socda Marinka Gaza.

Dowladda Bolivia ayaa goor sii horreysay ku dhawaaqday in ay jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Israel, ka dib markii ay cambaareysay dembiyada dagaal ee Israel ka gaysaneyso Gaza.

Hoggaamiyeyaasha Caalamka iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa dalbanaya in Israel ay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc