Home Wararka Caalamka Madaxweyne Mohamed Bazoum oo xabsiga la dhigay

Madaxweyne Mohamed Bazoum oo xabsiga la dhigay

by Laacib

Xaalad hubinti la’aan ah ayaa laga soo sheegaya xarunta dalka Niger ee Niamey, ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Madaxtooyada ay halkaasi ku afduubeen Madaxweyne Mohamed Bazoum.

Ciidamada ayaa la sheegay inay gaadiidkooda dagaalka ku jareen waddooyinka soo gala Dhismaha Madaxtooyada iyo xarumaha wasaaradaha ee ku dhow dhow.

Sidoo kale Ilaalada Madaxtooyada ayaa la sheegay inay isku gadaameen Dhismaha Telefishinka Qaranka.

Qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan Ilaalada Aqalka Madaxtooyada ay ku kaceen gadood ka dhan ah qaranka, oo lagu sheegay mid aan waxba tarayn, si ay taageero uga helaan ciidamada kale ee dalka.

Madaxtooyada oo sheegtay in Madaxweynaha iyo qoyskiisuba ay wanaagsan yihiin ayaa dhanka kale Ilaalada Madaxtooyada ugu baaqday in ay sii daayaan Madaxweynaha, haddii kalena ciidamadu ay halkaasi ku soo weerari doonaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada u daacadda ah Madaxweynaha lagu amray inay weeraraan Ilaalada Madaxtooyada, ka dib markii ay guuldareysteen isku dayo lagu doonayay in lagu soo sii dayo. Ciidamada ayaa la sheegaya in la faray in ay ka hortaggaan wax u muuqda afgembi.

Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS), Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa cambaareeyay waxa ay ku sheegeen isku dayga afgembi.

Wadamada Reer Galbeedka ayaa Madaxweyne Mohamed Bazoum u arka saaxiib muhiim ah, haddii Niamey ay kala shaqeysay dadaalada ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan faafitaanka kooxaha Islaamiyiinta ee ka jira Afrikada Galbeed.

Faransiiska iyo Mareykanka ayaa Niger la leh iskaashi militari oo xoogan, waxaana uu xiriirkoodu xoogeystay, ka dib dhacdooyinkii dhawaanahaan hareeyay dalka ay deriska yihiin ee Mali.

Ciidamada Qaramada Midoobey ka jooga dalkaasi Mali ayaa lagu wargeliyay in ay isaga baxaan, waxaana ka sii horreyay Militarigii Faransiiska oo lagu khasbay in ay dalka isaga baxaan. Mali ayaa hadda xiriir dhow la leh Moscow iyo kooxda calooshaad u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagnger oo bedelay Ciidamadii Faransiiska.

Madaxweyne Bazoum ayaa xilka hayay, tan iyo 2-dii bishii April ee sanadkii 2021. Ninkan ayaa xilligaasi la wareegay talada dal ay ka jiraan faqri iyo xasillooni darro.

Bazoum ayaa ka hor inta aan xilka loo dooran waxa uu soo noqday Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiyadda & Hantiwadaaga ee Niger.

Ma cadda in Ilaalada Madaxtooyada Niger ay doonayaan in ay kursiga ka tuuraan Madaxweyne Bazoum iyo in kale, inkastoo tani lagu sheegay isku day afgembi.

Dalkan ayaa waxaa horey uga dhacay dhowr afgembi iyo isku dayo afgembi, tan iyo intii uu xornimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska, 3-dii bishii August ee sanadkii 1960-kii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc