Home Wararka Caalamka Madaxweyne Putin oo ballanqaad u sameeyay Hoggaamiyeyaasha Afrika

Madaxweyne Putin oo ballanqaad u sameeyay Hoggaamiyeyaasha Afrika

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ballanqaaday in dalkiisu uu wax ka qaban doono walaaca Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku aaddan sahayda cunna yarida ee dunida soo food-saartay, ka dib duulaankiisii Ukraine.

Madaxweynaha ayaa Jimcihii sheegay in Moscow ay dabooli doonto baahida cunna yari ee ka jirta meelo badan oo dunida ka mid ah, gaar ahaan Afrika.

Waxa uu sheegay in dalkiisu uu masuuliyad iska saari doono ilaalinta sahayda sareenka ee Afrika, si ay bilow wanaagsan ugu noqoto xoojinta xiriirka labada dhinac. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa ku cadaadiyay Putin inuu horey u sii wado qorshahooda nabadeed ee ay bishii hore soo jeediyeen, laguna soo afjarayo colaadda Ukraine, iyagoo la wadaagay walaacooda la xiriira cawaaqibka dagaalka, gaar ahaan kor u kaca qiimaha cuntada.

Madaxweynaha Ruushka ayaa Reer Galbeedka ku eedeeyay in ay ka masuul yihin sare u kaca ku yimid qiimaha cunnada ee suuqyada caalamiga iyo sicir bararka ka jira dunida, waxaana uu intaa ku daray in nidaamka dhaqaalaha adduunka uu ku socdo is bedel weyn.

Khamiistii, Madaxweyne Putin ayaa soo bandhigay dayn-cafin iyo qamadi bilaash ah, si uu xulafo uga sameysto qaaradda. Madaxweynaha ayaa xilligaasi sheegay in Moscow ay si bilaash ah qamadiga ku siin doonto lix ka mid ah dalalka Afrika, isaga oo afka ku ballaariyay in Xukuumdda Moscow ay ka hortaggi doonto dhibaatada cunnada adduunka, toban maalmood ka dib markii uu Ruushku ka baxay heshiiskii dhoofinta badarka Ukraine ee Badda Madow.

“Dareenka Ruushka ee Afrika ayaa si joogto ah u koraya.” Ayuu Madaxweynuhu Jimcihii ka sheegay geba-gabada shirka labada maalmood ka socday Magaalada St. Petersburg.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in dalkiisa iyo Hogaamiyeyaasha Afrika ee ka qaybgalay shir madaxeedka St. Petersburg ay ku heshiiyeen in la horumariyo nidaamka caalamiga ah ee adduunka oo dhan iyo inaanan dano siyaasadeed oo dhaqaale loo adeegsan sahayda cunnada ee caalamka.

Ka qaybgelayaasha ayaa saxiixay bayaan wadajir ah oo ku baaqaya in la sameeyo nidaam caalami ah oo caddaalad ku dhisan, dheelitiran oo xasilloon, si adagna uga soo horjeeda dhammaan noocyada iska horimaadka caalamiga ah ee Qaaradda Afrika.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa hoosta ka xariiqay go’aanka wadajirka ah ee looga hortaggayo inaanan la siyaasadeyn sahayda cunnada uu wax ka tari doono isku dayga lagu wiiqayo qiyamka dhaqanka dhaqaale ee adduunka.

“Waxaa jira qorshe Ruushku uu ka leeyahay Afrika, waxaana jira hindiseyaal hami leh.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Moscow ayaa daneynaysa in ay xulafo adag ka sameysato qaaradda, iyadoona Putin uu gadaal ka riixayo qorshe dib loogu soo nooleynayo maalgashigii Midowgii Soofiyeet ee Afrika.

Wakiilo ka kala socda 49 dal oo ay ku jiraan 17 Madaxweyne ayaa ka qaybgalay shirka ay Moscow soo qaban-qaabisay.

Shirkan oo noqonaya kiisii labaad ee ay labada dhinac yeeshaan, tan iyo sanadkii 2019 ayaa loo arkayay mid lagu tijaabinayo taageerada Moscow ee Afrika.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc