Home Wararka Caalamka Madaxweyne Putin oo ka hadlay waxa ku riixay inay dardargeliyaan duulaankooda Ukraine

Madaxweyne Putin oo ka hadlay waxa ku riixay inay dardargeliyaan duulaankooda Ukraine

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay inay ballaariyaan hawlgalada ay ciidamadiisu haatan ka wadaan waqooyi bari Ukraine.

Madaxweynaha ayaa Jimcihii shir jaraa’id ka sheegay inaanu jirin wax qorshe ah oo Ciidamada Militariga ay ku qabsanayaan Magaalada Kharkiv, xilli ay si weyn u hujuumayaan.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inaysan Moscow dooneyn inay qabsato magaalada labaad ee Ukraine.

“Ma jiraan qorsheyaal noocaas ah maanta.” Ayuu yiri Madaxweynuhu, ka dib markii uu soo geba-gabeeyay booqashadiisii Shiinaha.

Madaxweyne Putin ayaa dhanka kale sheegay in ciidamadiisu ay abuurayaan aag ka caagan dagaalada fool ka foolka ah, si ay u adkeeyaan ammaanka gobolada dalkaasi ee xadka la leh Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa toddobaadkii hore guluf weyn ku qaaday waqooyi bari Ukraine, iyagoona dhul ballaaran kala wareegay Ciidamada Ukraine.

Dowladda Ukraine ayaa qiratay in Ciidamada Ruushka ay qabsadeen deegaano badan oo ku teedsan xadka labada dal.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa ku celiyay in gulufka ballaaran ay ciidamadiisu ka wadaan gobolka aysan qayb ka ahayn qabsashada Kharkiv.

Madaxweyne Putin ayaa tilmaamay in hadafkoodu uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka Magaalada Belgorod, oo marar badan ay weeraro ka gaysteen Ciidamada Ukraine.

Putin ayaa Ukraine ku eedeeyay inay si toos ah u bartilmaameedsaneyso bartamaha magaaladaasi, oo sida uu sheegay ay dadku ku badan yihiin.

“Waxaan si cad horey ugu sheegnay, haddii tani ay sii socoto in na lagu khasbi doono inaan abuurno aag ammaan.” Ayuu yiri Putin oo intaasi ku daray “Taasi waa waxa aan samayn doono.”

Xeeldheereyaasha ayaa aaminsan in Moscow ay maanta awood buuxda u leedahay inay la wareegto gacan ku haynta Kharkiv.

Kharkiv ayaa ku taala waqooyi bari Ukraine, waana magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc