Home Wararka Caalamka Madaxweyne Putin oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay Caasimadda Moscow

Madaxweyne Putin oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay Caasimadda Moscow

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa caawa ka hadlay weerar loo adeegsaday diyaaradaha bilaa duuliyaha oo maanta ka dhacay magaalo madaxda dalkaasi ee Moscow.

Diyaaradahan oo ka soo gudbay xuduudda Ruushka ayaa qaarkood lagu beegsaday rug muhiim ah oo ku taala Caasimadda Moscow, waxaana ku dhaawacmay laba qof, sida uu sheegay Duqa Moscow, Sergei Sobyanin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa weerarkan ku eedeeyay Dowladda Ukraine, oo sida uu sheegay isku dayday inay cabsi geliso Ruushka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarku uu u muuqdo mid ay Ukraine kaga jawaabeysay weerar uu Ruushku ku qaaday sida uu yiri Xarunta Sirdoonka Militariga Ukraine.

“Iyadoo taas laga jawaabayo Maamulka Kyiv wuxuu doortay waddo kale, oo ah isku day lagu cabsi gelinayo Ruushka, si loo baqdin geliyo muwaadiniintayada.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Madaxweyne Putin oo la hadlay Telefishinka Qaranka ee dalkaasi ayaa yiri “Tani way iska caddahay, waxayna caalamad u tahay ficilada argagixisada.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa sheegtay in taageerada Reer Galbeedka ee Ukraine ay keentay in Madaxda Ukraine ay ku kacaan falal dembiyeedyo argagixiso, oo sida ay sheegtay aan laga fiirsan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku celisay inaanay Washington taageersanayn in weeraro laga gaysto gudaha Ruushka, taageeradoodana ay ku kooban tahay in Ukraine ay dalkeeda difaacato oo keliya, waxay kaloo sheegtay in weli ay uruurinayaan macluumaadka la xiriira duqayntii maanta ka dhacday Moscow.

Dowladda Ukraine ayaa iska fogeysay masuuliyadda weerarkaasi, balse Sarkaal u hadlay Kyiv ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin weerarkaasi.

Mykhailo Podolyak, La taliyaha Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Kyiv ay u riyaaqday daawashada, waxa uu ku sheegay dhacdooyinka dhacaya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in weerarkaasi loo adeegsaday sideed diyaaradood oo kuwa bilaa duuliyaha ah, qaarkoodna laga weeciyay bartilmaameedyadii lala damacsanaa.

“Saddex ka mid ah waxaa lagu xakameeyay dagaal elektaroonik ah, kuwaa oo ka weecday bartilmaameedyadii ay damacsanaayeen. Shan diyaaradood oo kale ayaa lagu soo riday nidaamka difaaca hawada ee Pantsir.” Ayay lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee ka dhaca Moscow, tan iyo markii Ruushku uu weeraray dalkaasi Ukraine.  

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc