Home Wararka Caalamka Madaxweyne Putin oo ku baaqay in loo istaago xalka colaadda Israel iyo Falastiiniyiinta

Madaxweyne Putin oo ku baaqay in loo istaago xalka colaadda Israel iyo Falastiiniyiinta

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka ayaa ku baaqay in dunida ay u istaagto xal u helidda coloodda Israel iyo Falastiiniyiinta, si xal waara loogu helo colaadda ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe.

Vladimir Putin ayaa ku baaqay in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafka Israel iyo Falastiiniyiinta ee muddada dheer ka jira gobolka.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in dalalka BRICS ay gacan ka gaysan karaan colaadda Falastiiniyiinta iyo Israel, si nabad loogu soo dabaalo gobolka.

“Dalalka BRICS iyo dowladaha gobolka waxay ku lug yeelan karaan dadaalada lagu doonayo in lagu dhammeeyo colaadda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka oo khudbad uu ugu talagalay shirka BRICS ee ka furmay dalka Koonfur Afrika laga sii daayay telefishinka dalkaasi.

BRICS oo la isku yiraahdo Brazil, Russia, India, China iyo South Africa ayaa bishii August ogolaaday in la ballaariyo dalalka xubnaha ka ah ururka, iyadoona lagu daray Sacuudiga, Emirate-ka Carabta, Iran, Masar, Itoobiya iyo Argentina.

“Waxaan ugu baaqaynaa Beesha caalamka inay ku biiraan dadaalada lagu qaboojinayo xaaladda, lagana shaqeeyo sidii xabad joojin loo gaari lahaa iyo sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa colaadda Falastiin iyo Israel.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Waxa kaloo uu yiri “Wadamada BRICS iyo dalalka kale ee gobolka, waxay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan shaqadan.”

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in fashilka ku yimid siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe ay ugu wacan tahay xiisadda ka taagan gobolka.

Shir madaxeedka aan caadi ahayn ee BRICS oo looga hadlayo colaadda ka aloosan Bariga Dhexe ayaa lagu cambaareeyay duulaanka Israel ee Gaza.

“In ka badan hal jiil oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu soo barbaariyay jewi caddaalad darro ah oo ku wajahan iyaga. Dadka Israeliyiintuna si buuxda uma damaanad qaadi karaan ammaanka dowladdooda.” Ayuu yiri Putin.

Putin ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Sababtoo ah burburinta go’aanada Qaramada Midoobey, kuwaas oo si cad u qeexaya abuurista iyo nabad ku wada noolaanshaha laba dal oo madaxbannaan ayaa la carqaladeynaya.”

Putin ayaa dhawaan ugu baaqay Israel in ay is xakameyso, isla-markaana ay ka baaqsato daadinta dhiigga dadka aan waxba galabsan, hase yeeshee Israel oo garab ka haysata Mareykanka ayaa sii waddo weeraradeeda ay ku leynayso shacabka ku nool Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Putin ayaa haatan wax laga naxo ku tilmaamay tirada badan ee carruurta Gaza ee lagu dilay weerarada Ciidamada Israel.

“Qaliinka lagu sameynayo carruurta ku waxyeeloobeysa colaadda, iyadoo aysan jirin suuxdin lagu sameynayo carruurtaasi, waxay abuureysaa dareen gaar ah.” Ayuu yiri Putin.

Dawo la’aanta iyo korontada ka go’an Gaza ayaa dhakhaatiirta caafimaadka ku riixday inay qaliinada sameeyaan, iyadoo aysan jirin dawada lagu suuxiyo bukaanada.

Hooyooyinka lagu qalayo carruurta ayaa xitaa la sheegay inaanan la suuxin, taas oo walaac xoog lihi laga muujiyay.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa mar sii horreysay sheegay in uu burburay nidaamkii caafimaadka ee Gaza.

Saraakiisha Qaramada Midoobey waxay sheegeen in Israel ay kaga sii dartay xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.

In ka badan 13,500 oo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay hawlgalka Israel ee Gaza, tan iyo markii Israel ay bilowday weerarada ay sheegtay in ay kaga aargudaneyso Xamaas, ka dib weerarkii 7-dii October.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc