Home Wararka Caalamka Madaxweyne Putin oo si kulul uga hadlay gumaadka Israel ka waddo Gaza

Madaxweyne Putin oo si kulul uga hadlay gumaadka Israel ka waddo Gaza

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay inaanan wax qiil ahi loo haynin, sida aan kala sooca lahayn ee ay Ciidamada Israel dadka ugu dilayaan Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa isagu sheegay in ciidamadiisu ay bilaabeen wejiga labaad ee dagaalka, oo sida uu sheegay lagu soo afjarayo Ururka Xamaas, balse duulaanka Israel ayaa waxaa ku dhintay in ka badan sideed kun oo qof, oo u badan carruur iyo dumar.

“Wax cudurdaar ah looma hayo dadka sida aan kala sooca lahayn loogu leynayo Gaza, wax qiil ah looma heli karo dhacdooyinka naxdinta leh ee Gaza.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka.

Waxa uu sheegay in falcelinta Israel, ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ay noqotay mid ay Tel Aviv ku bartilmaameedsaneyso dadka rayid ah, kuwaa oo aan haysan buu yiri meel ay u cararaan.

Madaxweynaha Ruushka ayaa Hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedka ku eedeeyay in ay gadaal ka riixayaan duqaymaha baahsan ee Israel ku dhibaateynayso in ka badan laba milyan oo qof oo aan waxba galabsan, kuna nool Marinka Gaza, iyagoo markaasi hurinaya rabshadaha ka jira Bariga Dhexe.

“Xiisadda Bariga Dhexe ayay u adeegsanayaan juqraafi siyaasadeed iyo arrimo ay ku daneysanayaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa yiri “Madaxda talada haysa ee Mareykanka ayaa ah ka faa’iidaysteyaasha ugu weyn ee xasillooni darada caalamka, waxay ka macaashayaan dhiigga dadka ee daadanaya.”

Khudbad uu jeediyay oo laga sii daayay telefishinka dalkaasi, ka dib kulan uu xalay la yeeshay Saraakiisha laamaha ammaanka oo lagaga hadlayay weerarkii habeen hore ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Makhachkala ee Gobolka Dagestan ayaa waxa uu Reer Galbeedka ku eedeeyay in ay doonayeen in ay ku kala qaybiyaan bulshooyinka diimaha kala duwan ee Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in Wakiilada Hay’adaha Sirdoonka Galbeedka ee Ukraine ay isticmaalayaan barraha bulshada, si ay u u buun buuniyaan rabshadihii garoonkaasi, isla-markaana ay u dhiirigeliyaan bulshada dalkaasi, si loo wiiqo buu yiri Ruushka.

Putin ayaa Washington ugu yeeray in ay joojiso dadaalada ay ugu jirto hurinta colaadda Ukraine, oo qayb ka ah hubka ay sida joogtada ah ugu taageerto Kyiv.

Boqolaal qof oo ku qaylinayay ereyo ka dhan ah Israel ayaa xoog ku galay Garoonka Diyaaradaha Makhachkala, xilli ay ka degatay diyaarad wadday rakaab ka yimid Israel. Rakaabka ayaa la socday diyaarad ay leedahay Shirkadda Red Wings ee Ruushka oo ka soo ambabaxday Magaalada Tel Aviv.

Dadkan ayaa la sheegay inay wateen Calanka Falastiin, isla-markaana ay u muuqdeen kuwo ka gadoodsan duulaanka Israel ee Gaza.

Labaatan qof oo sagaal ka mida ay ka tirsan yihiin ciidamada amniga ayaa ku dhaawacmay shaqaaqadaasi, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Wasaaraddu waxa kaloo ay sheegtay in ciidamadu ay illaa lixdan qof u soo xireen dadkii xoogga ku galay garoonkaasi.

Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheegtay in Talaadada maanta ah ay dib u bilaaban doonaan duulimaadyadii caadiga ahaa ee garoonkaasi, oo si-meel-gaar ah loo hakiyay habeenimadii Axadda.

Si kastaba ha-ahaatee Putin ayaa Khamiistii ka digay in duulaanka Israel ee Gaza uu keeni karo cawaaqib aad u daran, isaga oo xilligaasi sheegay in loo baahan yahay in si dhab ah loogu istaago xal u helidda colaadda Bariga Dhexe, haddii kalena ay colaaddu ka gudbi doonto sida uu yiri xuduudaha gobolka.

Putin ayaa qaba in xalka Falastiiniyiinta iyo Israel uu yahay in la helo laba dowladood oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc