Home Wararka Caalamka Madaxweyne Putin oo wadnaha gooyay isbahaysiga NATO

Madaxweyne Putin oo wadnaha gooyay isbahaysiga NATO

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ku celiyay inaanay Mareykanka iyo Reer Galbeedka dalkiisa u horseedi doonin guul-darro istiraatiiji ah, isla-markaana ay ka feejigan yihiin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa Jimcihii Magaalada St. Petersburg ee dalkaasi ka sheegay in Moscow ay hadda madaxyada nuclear-ka gaysay dalka Belarus, oo xulafo dhow ay yihiin.

Madaxyadan ayuu ku sheegay inay yihiin qaybtoodii koowaad ee ay dalkaasi geeyaan, ayna dhameystiri doonaan daba-yaaqada sanadkan, oo kuwa ridada dhaadheerna ay u daabuli doonaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inaanay hadda jirin baahi ay Moscow u adeegsan karto hubkeeda wax gumaada, keliya ay xaqiijinayaan inaanay Ukraine dalkiisa uga guuleysan karin taageerada militari ee ay siiyaan Mareykanka iyo Yurubta Galbeed.

Madaxweyne Putin ayaa ku goodiyay inaanay Ukraine muddo dheer sii dagaalami doonin, isagoona ka digay in Mareykanku uu Kyiv siiyo diyaaradaha F16, oo haddii la siiyo sida uu yiri ay gubi doonaan.

Waxa uu sheegay in ciidamadiisu ay horey u burburiyeen taangiyadii ay Reer Galbeedka soo siiyaan Ukraine, oo ay ku jiraan taangiyada Leopard ee Jarmalku farsameeyo.

Waxa uu isbahaysiga NATO ku eedeeyay inay sii hurinayaan colaadda Ukraine, ayna u harsan tahay oo keliya inay Ukraine ka soo barbar dagaalamaan. Putin ayaa hoosta ka xariiqay in Ruushku uu isaga filan yahay cadowgiisa dibadda.

Hadalka Madaxweyne Putin ayay madaxda qaarkood u fasirteen in hubka ridada gaaban ee Nuclear-ka uu Aqalka Kremlin-ka u adeegsan karo dagaalka Ukraine, haddii aanay xulafada NATO joojin hubka ay Ukraine ku soo daldalayaan.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa cambaareeyay warka ka soo yeeray Putin ee sheegaya in madaxyadii ugu horreyay ee nuclear ah ay geeyeen dalkaasi Belarus.

Aqalka Cad ayaa sheegay inaanu waxba ka bedeli doonin taageerada militari ee uu siiyo Ukraine, si ay isaga caabiso Ciidamada Ruushka ee dalkeeda ku soo duulay.

Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ka falcelinayay warka Madaxweyne Putin ayaa dhankiisa sheegay inaanay jirin wax calaamad ah oo muujineysa in Kremlin-ku uu qorsheynayo in hubkiisa nuclear-ka uu u adeegsado dagaalka Ukraine.

“Ma aragno wax calaamad ah oo muujineysa in Ruushku uu isku diyaarinayo inuu isticmaalo nuclear-kiisa.” Ayuu yiri Xoghaye Blinken.

Putin ayaa mar sii horreysay sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay wada hadal uu la galo Ukraine, haddii Reer Galbeedku ay joojinayaan kaalmada militari ee ay dalkaasi siiyaan.

Ruushka iyo NATO ayaa u muuqdo kuwo ku sii kala fogaaday colaadda Ukraine.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc