Home Wararka Caalamka Madaxweyne Putin “Yevgeny Prigozhin waxa uu ahaa nin xumaan iyo wanaagba leh”

Madaxweyne Putin “Yevgeny Prigozhin waxa uu ahaa nin xumaan iyo wanaagba leh”

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ka hadlay wararka isa soo taraya ee sheegaya in shil diyaaradeed uu ku dhintay Madaxii xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, Yevgeny Prigozhin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa ka tacsiyeeyay shilka diyaaradeed ee loo maleynayo inay Arbacadii ku dhinteen toban qof oo uu ka mid ahaa Hoggaamiyihii Wagner.

“Marka hore waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro dhammaanba qoysaska dhibaneyaasha. Had iyo jeer waa masiibo shilalka diyaaradaha.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo xalay ka soo muuqday Telefishinka Qaranka ee dalkaasi.

Madaxweynaa ayaa tilmaamay in muddo dheer uu garanayay Yevgeny Prigozhin, isla-markaana uu ahaa nin xumaan iyo wanaag, labadaba leh.

“Waxaan garanayay Prigozhin waqti aad u dheer, illaa horraantii 90-meeyadii. Waxa uu ahaa nin isu miriqsan oo wanaag iyo xumaanba leh, wuxuu galay khaladaad halis ku ah noloshiisa, balse hibada uu lahaa ayaa ka dhigtay inuu waxqabad wanaagsan la yimaado.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxa kaloo uu yiri “Waxa uu ahaa qof ama ganacsade karti leh, kamuu shaqayn dalkayaga oo keliya, balse sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay dibadda, gaar ahaan Afrika. Waxa uu halkaas ka sameeyay ganacsiga saliidda, gaaska, macdanta iyo dhagxaanta qaaliga ah.”

Waxa uu sheegay in la baari doono dhacdada shilka, ha yeeshee wuxuu sheegay in waqti qaadan doonto natiijada rasmiga ah ee baaritaanka DNA-da.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay inaanay Moscow ilaabi doonin gacantii ay Xoogaga Wagner ka gaysteen dagaalka Ukraine.

Baareyaasha shilalka ayaan weli si rasmi ah u aqoonsan haraadiga meydadka la helay, baaritaankuna uu waqti qaadanayo, sida Madaxweyne Putin uu sheegay.

Magacyada liiska tobanka qof ee shilkan ku dhintay ayaa waxaa ka soo muuqday Yevgeny Prigozhin, Hoggaamiyihii Wagner iyo Dmitry Utkin oo ka mid ahaa Saraakiisha sarsare ee Wagner. Ninkan waxaa lagu tilmaamay gacanta midig ee Prigozhin.

Inkastoo Madaxweyne Putin uu amaan kala duldhacay Madaxii Wagner, haddana waxaa jira shaki laga qabo in ciidamadiisa ay dileen ninkaasi.

Reer Galbeedka ayaa tuhunsan in ninkaasi loo dilay afgembigii dhicisoobay ee daba-yaaqadii bishii June ka dhacay dalkaasi, isla-markaana uu hoggaaminayay Prigozhin, kana dhan ahaa Taliska Ciidamada Militariga.

Madaxweyne Putin oo xilligaasi si adag u cambaareeyay isku daygaasi afgembi ayaa ku tilmaamay qiyaano iyo dhabar ka toogasho.

Putin waxa uu si cad u sheegay in la ciqaabi doono kooxda Wagner, inkastoo dhexdhexaadin uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko lagu heshiiyay in Hoggaamiyaha Wagner uu musaafuris ahaan ugu noolaado dalkaasi.

Aqalka Kremlin-ka oo shaaciyay heshiiskaasi ayaa sheegay, si loo baajiyo dhiig daata in Prigozhin iyo qaar ka mid ah dagaalyahanadiisu ay aadi doonaan Belarus, isla-markaana la joojin doono kiis dembiyeedka ka dhanka ah ninkaasi ee la xiriira gabood-falada hubeysan ee uu ku kacay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc