Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoorqoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo u sii gudbay Cammaara (SAWIRRO)

Madaxweyne Qoorqoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo u sii gudbay Cammaara (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo xubno uu horkacayo ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii gaaray deegaanka Cammaara ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo ay la socdeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) oo duhurnimadii shalay gaaray deegaanka Bacaadweyne ee gobolkaasi ayaa uga sii gudbay dhanka Cammaara.

Cammaara iyo Bacaadweyne oo ood wadaag ah ayaa ka mid ah deegaanada gobolka ee bishii hore ee September laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Cammaara ku soo dhaweeyay masuuliyiin isugu jira Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Cammaara ayaa Xoogaga Difaaca Shacabka ku amaanay in ay maanta tusaale u yihiin shacabka Soomaaliyeed, maadaama sida uu sheegay ay yihiin geesiyaal dhiigooda iyo naftoodaba u huray dalka xoreyntiisa.

“Runtii waxaan idiin sheegaynaa inaad Soomaali oo dhan maantay u tihiin tusaale, inaad tihiin geesiyaal dhiigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa halkan inaan mar labaad idiin kaga soo gudbiyo hambalyo iyo bogaadin aan idin kaga wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, guulaha aad gaarteen iyo sida aad Khawaarijta u wajahdeen, meel ay Soomaali joogtaba iyo madaxdeeda way idin bogaadineysaa.”

Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Galmudug ayaa dadka deegaanka ku booriyay in ay ka qayb qaataan hawlgalka lagu xoreynayo deegaanada ay maleeshiyadaasi kaga harsan tahay gobolka.

“Waxaa na laga rabaa inaan Khawaarijta dhibkooda iyo fitnadooda aan iska dulqaadno.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha oo soo hadalqaaday weerarkii ismiidaaminta ee isaga iyo masuuliyiintii kale ee 15-kii bishii September lagu la eegtay deegaanka Laas-gacamey ee gobolkaasi ayaa tilmaamay in ujeedka Shabaabku uu ahaa in ay kala dhantaalaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, balse ay ku hungoobeen.

Waxa uu sheegay in maanta ay ka xoogan yihiin maalintaasi, isla-markaana aysan Shabaabku hor istaagi karin gulufka lagu qabanayo dhulka maqan.

“Waxaan maanta ka firfircoonahay oo ka dhiiranahay maalintii hore, dibna nooma celin kartaan, waddada aan ku soconana nagama leexin kartaan. Shalay waxaan joogay Laas-gacamey, maantana waxaan joogaa Cammaara, waxaana idiin leenahay waqtigiinii waa soo dhammaaday.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Waxa uu intaasi raaciyay “Dagaalkiinu wuxuu ahaa magri xun iyo dhagar aad soo qorsheysaan, ayadana waa la idinku bartay, waana midda maanta la idinku daba joogo. Goobtaad joogtaan iyo geedka aad gashaanba waan idinkugu soo galaynaa, laba ayayna mid noqonaysaa, inaad geeri dhadhamisaan iyo inaad duliga, dulmiga iyo xaaraanta ka baxdaan oo kala carartaan.”

Madaxweyne Qoorqoor iyo masuuliyiinta wehlineysa ayaa gobolkaasi u tegay dardargelinta hawlgalka militari ee Shabaabka lagaga sifeynayo bartamaha dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc