Home Dhacdooyin Madaxweyne Qoorqoor oo booqday qoyska mid ka mida askartii qaraxa isku dhigtay (SAWIRRO)

Madaxweyne Qoorqoor oo booqday qoyska mid ka mida askartii qaraxa isku dhigtay (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo gelinkii dambe ee Axaddii ku laabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa booqday qoyska Axmed Fiiqane Sheekh Maxamuud.

Axmed Fiiqane iyo Maxamed Cumar Xirsi oo ka tirsanaa ilaalada Madaxweynaha Galmudug ayaa 15-kii bishan ku geeriyooday weerar ismiidaamin ahaa, oo la doonayay in lagu khaarajiyo Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale, xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Laas-gacamey ee Gobolka Mudug.

Askarta ayaa xilligaasi lagu ammaanay inay ka hortaggeen nin la socday gaari Leyla Calaawi ahaa, oo lagu soo raray walxaha qarxa.

“Madaxweynaha ayaa booqday gurigii uu ka baxay Mujaahid Axmed Fiiqane Sheekh Maxamuud, oo ahaa halyeey geesi ah oo ka hortegay naftii hallige doonayay inuu isku qarxiyo Madaxweynaha iyo wafdi la socday deegaanka Laas-gacamey.” Ayaa lagu yiri qoraal xalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa la kulmay labada waalid ee dhalay askarigaasi, isagoona kaga mahadceliyay sida qoraalka lagu sheegay geesinimada ay ku barbaariyeen.

“Madaxweynaha ayaa labada waalid ee dhalay Mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinimada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa.” Ayaa qoraalka lagu sheegay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal.

Madaxtooyada Galmudug ayaa dhawaan sheegtay inay ogaan doonto, isla-markaana ay daryeeli doonto qoysaska labadaasi askari, oo Madaxweynuhuna uu billad geesinimo ah ku abaalmariyay askartaasi.

“Dowladda Galmudug waxay si buuxda u kafaala-qaadaysaa qoyska iyo ubadka naftood hurreyaasha, waxayna waalidka dhalay uga mahadnaqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed mar sii horreysay laga soo saaray Madaxtooyada Galmudug.

Weerarkan oo ay Al Shabaab sheegatay ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday labadaasi askari, laba iyo toban kalena way ku dhaawacantay, sida uu xaqiijiyay Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka Galmudug, Maxamuud Axmed Maxamed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc