Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoorqoor oo farriin qura u sida dadka reer Mudug (SAWIRRO)

Madaxweyne Qoorqoor oo farriin qura u sida dadka reer Mudug (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Arbacadii gaaray furimaha dagaalka, si uu u dhiirigeliyo Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee hawlgalka ka wada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo ay la socdaan xubno ay ka mid yihiin Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa gaaray deegaanka Xiinlabi, oo Talaadadii laga saaray Al Shabaab.

Shabaabka ayaa muddo dheer ka arriminayay Xiinlabi, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo ciidamadu ay gaaraan.

Madaxweynaha ayaa la kulmay bulshada reer Xiinlabi, oo maalin ka hor si weyn u soo dhaweeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee is garabsanaya.

Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Galmudug iyo xubnihii kale ee la socday ayaa u sii gudbay deegaanada Dhag-haye iyo Laas-gacamey. Laas-gacamey ayaa qiyaastii 14km u jirta deegaanka Bacaadweyne, oo ciidamadu ay ku sii jeedaan.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa dadka reer Mudug u wada farriinta ah in la joogo, xilligii gobolka laga ciribtiri lahaa maleeshiyada Shabaabka. Madaxweynaha ayaa dadka deegaanka ka doonaya inay gacan weyn ka gaystaan la dagaalanka maleeshiyadaasi.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay ku sugnaa jiidda hore ee Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc