Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoorqoor oo Saraakiisha Ciidamada kala hadlay hawlgalada (SAWIRRO)

Madaxweyne Qoorqoor oo Saraakiisha Ciidamada kala hadlay hawlgalada (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xaaladda guud ee Galmudug, amniga Dhuusamareeb iyo dardargelinta wejiga labaad ee hawlgalka lagu wiiqayo maleeshiyada Al Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici), Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi, Duqa Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qaybahooda kala duwan.

Korneyl Xasan Jaamici ayaa ka qaybgelayaasha uga warbixiyay halka ay marayaan hawlgalada ka socda Gobolada Dhexe, gaar ahaan cirifka koonfureed ee Gobolka Galgaduud ee ujeedkiisu yahay in Shabaabka lagaga saaro Bariga Gobolka Galgaduud, iyadoona Taliyuhu uu faah faahin ka siiyay guulaha la gaaray iyo caqabadaha weli jira.

Caqabadda ugu weyn ee haatan ciidamada haysata ayaa ah, iyadoo aan doorkan si wanaagsan loo abaabulin dadka deegaanka, oo wejigii hore ee hawlgalka kaalin muuqato ka qaatay gulufkii maleeshiyada Shabaabka lagaga saaray Degmooyinka Galcad, Ceeldheer, Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Dadka deegaanka oo la abaabulo ayaa muhiim u ah qaabeynta iyo qorsheynta hawlgalada, bacdamaa ay iyagu kala garanayaan dhulka ay Shabaabku gabaadka ka dhiganayaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor uu Taliska Qaybta 21aad u sheegay in la joogo, xilligii lagu dhaqaaqi lahaa Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in Madaxweynuhu uu Taliska faray in la qabto labadaasi magaalo, oo haatan ay Shabaabku kaga harsan yihiin gobolka, isla-markaana ay dhanka cirka ka taageeri doonaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga.

Sidoo kale Saraakiisha Booliska iyo Nabad Sugidda Galmudg ayaa la faray in ay il gooniya u lahaadaan amniga Magaalada Dhuusamareeb, inta ay hawlgaladu ka socdaan bartamaha dalka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa mar sii horreysay sheegay in dadka reer Galmudug ay diyaar u yihiin inay iska dul-qaadaan Shabaabka muddada dheer dul-deganaa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc