Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoorqoor oo wacad ku maray inay burburin doonaan Shabaab

Madaxweyne Qoorqoor oo wacad ku maray inay burburin doonaan Shabaab

by Laacib

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee saakay lagu soo qaaday goobtii ay kaga sugnaayeen deegaanka Laas-gacamey ee Gobolka Mudug.

Nin la socday gaari Leyla Calaawi ahaa oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa weeraray goobta ay Madaxweynaha iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka kaga sugnaayeen deegaankaasi. Ilaalada Madaxweynaha ayaana la sheegay inay ka hortaggeen gaarigaasi oo rasaas xoogan ay ku fureen, keentayna in uu ku qarxo goob wa xoogaa ka durugsan halkii ay madaxdu ku sugneyd.

Madaxweynaha Galmudug ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inaanay waxyeelo ka soo gaarin weerarkaasi, isaga iyo masuuliyiintii kale ee la joogtay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu fashilmay weerarka ay kooxaha argagixisada ku soo qaadeen halkii ay deganaayeen.

“Waan caafimaad qabnaa aniga iyo masuuliyiin kale oo ku sugnayn goobaha hore ee dagaalka. Waxaan mar kale idiin caddeynaya dhagartoodii xumeyd iyo dhaqankoodii xumaa waa fashilmay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ku hanjabay inaanu dagaalku istaagi doonin, isla-markaana uu sii socon doono, illaa iyo ita ay guusha ka xaqiijinayaan.

“Dagaalku wuu soconaya, waana laga guuleysanaya, waxaana ugu bishaaraynaya ummadda Soomaaliyeed maalmaha soo socda, waxaad arki doontaan guulo waaweyn oo laga gaaray Khawaarijta.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa dhacdadii Laas-gacamey ku sheegay “Waxay ahayd wixii ugu dambeeyay oo rafasho oo xagxagasho ah, oo ay isku dayayeen bay ahayd Khawaarijtu waxa ay sameeyeen.”

Madaxweyne Qoorqoor ayaa intaasi ku daray “Dabargo’ii Khawaarijta waa la joogaa, guushana waan xaqiijinaynaa. Dacaayadda iyo waxyaabaha ay fidinayaan cadow kasta oo hadla ama wax shirqoola ama wax sameeya wuu fashilmay, wuuna fashilmaya, Insha’Allah.”

Madaxweyne Qoorqoor iyo masuuliyiinta kale ayaa Laas-gacamey u jooga dardargelinta gulufka dagaal ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc