Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoorqoor “Yaynaan u kala harin dagaalka Shabaab” + SAWIRRO

Madaxweyne Qoorqoor “Yaynaan u kala harin dagaalka Shabaab” + SAWIRRO

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka hadlay gulufka ka socdo deegaanada Galmudug ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug oo Warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka ayaa bogaadiyay hawlgaladii ugu dambeeyay ee maleeshiyadaasi lagaga saaray deegaanada Ceel La-helay iyo Ceelgaras ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug ugu hambalyeeyay guul weyn oo sida uu sheegay laga gaaray dagaalka, inta dhimana ay ka wada qayb qaataan.

“Waxaan leenahay Soomaali oo dhan meel kastoo ay joogtaba, gaar ahaan reer Galmudug guul weyn baa la gaaray, inta dhiman geba-gabadeedana aan dhameystirno, Insha’Allah.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo garbihiisa ay taagnaayeen Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Ciidamada Qalabka Sida, dadka deegaanka ee is abaabulay, qaybna ka ah hawlgalka socda iyo kuwa kale ee abaabulan, diyaarkana u ah in dagaalka ay maalmaha soo socda ku soo biiraan.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa beelaha ka maqan dagaalka ugu baaqay in doorkooda uu dhiman yahay, isla-markaana ay gacan ka gaystaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

“Walaalayaal ka soo qaybgala howsha, annagoo og inaydaan uga maqnayn wax kale ay tahay uun, qofba mar buu diyaargaroobaayee, xilligaa diyaargaroobi lahaydeen baa dhiman, soo diyaargarooba.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inaanay jiri doonin meel looga haro Al Shabaab, waxa qura ee dagaalku ku joogsan karaana uu yahay in dalka laga ciribtiro maleeshiyadaasi.

“Maantay ma jirto meel looga harayo iyo meel looga gaabinayo Khawaarijta, waa laga guuleystay, maalmo been la sheego iyo maalmo wax sheeg sheegtaan waxaasi nama istaajinayaan. Waxa keliya ee aan ku istaagaynaa waa inaanu ciribtirno, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Galmudug ayaa reer Galmudug kula dardaarmay inaanay maanta u kala harin hawlgalka ka dhanka ah Shabaabka hubeysan.

“Marka ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug waxaan leenahay qayb weyn baa qaadateen, inta dhimana dhameystira, doorkiina iyo deegaankiina inta idiinku aaddan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Inta kale ee walaalaheen waxaan leenahay cadowgii argagixisada ee Khawaarijta ahaa yaynaan safka u kala harin oo aan ka wada qaybgalno.”

“Ma rabno cadowga inuu deegaan ama gobol inuu maalinba ka galo.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor oo intaasi raaciyay “Waxaan leenahay maantay Ciidamada Qalabka Sida iyo beelaha lama kala duwana, loomana kala soocna dagaalka Khawaarijta, cidna ku halayn mayno, gacantaa wada saaraynaa.”

Qoorqoor ayaa hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay “Waxaan leenahay guul, khayr, horumar, barwaaqo iyo Somaliya oo Khawaarij la’aan ah.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc