Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Doha kula kulmay Farmaajo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Doha kula kulmay Farmaajo

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa Caasimadda Doha kula kulmay Madaxweyne hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia.

“Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax ku oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mira-dhalinta dadaaladii daynta-cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka, isagoo ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo Madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Somaliya, shacab iyo dhulba.” Ayaa lagu yiri warka.

Ex Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii ugu dambeysay deganaa dalka Qatar, oo intii uu xafiiska joogay ay aad isugu dhawaayeen madaxda dalkaasi.

Farmaajo ayaa dibad joog ka ahaa dalka, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii June ee sanadkii 2022.

Farmaajo ayaa xilka wareejiyay 23-kii bishii May ee sanadkaasi, tani waxay ka dambeysay, ka dib markii looga adkaaday doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday May 15-keedii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc