Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh “Dalkeenna xaalad gaar ah ayuu ku sugan yahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dalkeenna xaalad gaar ah ayuu ku sugan yahay”

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay meel halis ah marayaan xaaladda fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo ka mida gobolada dalka.

Madaxweynaha ayaa muuqaal uu xalay soo duubay kaga warbixiyay saamaynta fatahaadaha iyo daadadka ay ku yeesheen shacabka Soomaaliyeed.

“Dalkeennii maanta xaalad gaar ah ayuu ku sugan yahay, dadkeennii maanta meel kastoo ay joogaan, waxaa saameeyay arrintan fatahaadaha, ha u kala darnaadeen dhulalka gaar.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo la hadlayay shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri “Waxaan rabaa si gaar ah inaan u xuso dhibaatada fatahaadda way socotaa, waxayna illaa iyo hadda saameysay dad lagu qiyaasay laba milyan iyo bar (2.5M) oo qof ayay toos u saameysay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in 101 qof ay ku geeriyoodeen fatahaadaha iyo daadadka is wata, isagoo intaasi ku daray in ay ku barakaceen dad ka badan hal milyan oo qof.

“Illaa iyo hadda 101 qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen daadadka, illaa iyo haddana in ka badan hal milyan oo qof ayaa mar kale barakacay. Kuwii hore ee abaaraha la barakacay way barakacsan yihiin, hal milyan oo kale ayaa ku korortay barakacayaashii.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay masiibadani saameysay.

“Waxaad karto dhibaatadaas maanta jirtaahi, hanti la bixiyo ama beeso la bixiyo waxna kuma yara, waxna kuma badna. Waxa ugu yar haddaad bixisana kuma yara, waa loo baahan yahay, waxa ugu badan haddaad bixisana kuma badna. Marka kumana yara, kumana badna.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Deegaanada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa la ogyahay in ay yihiin meelaha ugu daran, ee ay ka jiraan daadadka iyo fatahaadaha is biirsaday ee ka dhashay roobabka ka da’aya gobolada dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc