Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe oo markaan loo kala bixi doono

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe oo markaan loo kala bixi doono

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan lagu wado in uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa la filayaa in uu si hoose u eego xaalka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha ayaa qorsheynaya in uu saldhig ka dhigto Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu kala socon doono abaabulka iyo dardargelinta gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in magaaladaasi uu ku qaabilo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, si uu uga la hadlo arrimaha gobolka, waxna uga weydiiyo damacooda siyaasadeed ee mustaqbalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Madaxda Ahlu Sunna la wadaagi doono barnaamijkiisa ah in dowladda laga taageero dagaalka ay tahay in xididada loogu siibo maleeshiyada Shabaabka.

Madaxweynaha ayaa waxaa la leeyahay waxa uu daneynaya in cududooda uu kaga faa’iideysto wejiga labaad ee hawlgalka la qorsheeyay in aagag badan dagaalka lagaga furo kooxaha argagixisada.

Madaxii Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhawaan sheegay in uu wada hadal u socdo iyaga iyo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si toos ahna ay uga qayb qaadan doonaan dagaalka bartamaha dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, sida uu yiri.

Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa dibadjoog ka ahaa siyaasadda Galmudug, tan iyo markii xoogagooda dagaalka looga saaray Dhuusamareeb, dhammaadkii bishii February ee sanadkii 2020.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo lafdhabar u ah Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa bartamihii bishii September ee sanadkii 2021 dib ugu soo laabtay gobolka, markaas oo Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed ay kaga qaybgelayeen deegaanka Huurshe.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa xilligaas dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay gobolka, ka dib markii hoggaankooda ay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah Shabaabka hubeysan ee carqaladda ku ah amniga dalka, waxaana xigay weerarkii 1-dii bishii October ee sanadkaasi kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Guriceel, inkastoo dagaalo lagu riiqmay oo wada hadal uu ka dambeeyay ay daba-yaaqadii bishaasi dib uga baxeen Guriceel oo mar ahayd Xarunta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe. Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa xilligaasi ku guuleystay in ay waan-waan ka dhex bilaabaan Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo dhanka kale oo Ahlu Sunna ahayd.

Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay saldhig ka sameystay deegaanka Bohol, oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusmaareeb.

Hoggaanka Ahlu Sunna oo marar badan gobolka kula kulmay odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada deegaanka ayaa kala hadlay, sidii dib loogu soo noolleen lahaa doorkii siyaasiga ee Ahlu Sunnada Galmudug.

Ahlu Sunna waa cudud xoog leh oo ka jirta Gobolada Dhexe, iyadoona xertii ay wax soo bareen ku kala daadsan min Guriceel illaa Wisil.

Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa la sheegaya in ay walaac dhanka amniga ka qabto xoogaga hubeysan ee duldegan Magaalada Dhuusamareeb, walow illaa hadda aanay Ahlu Sunna muujin falal ka dhan ah amniga magaaladaasi, marka laga soo taggo weerarkii bishii May 13-keedii ee sanadkii 2022 ku ekeysay magaalada, qaybo ka mida magaaladana ay muddo saacado ah ku sugneyd.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cali Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku waramaya in uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud weydiistay bal in Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug laga dulqaado xoogagan, taas oo keentay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu wada hadal hoose la bilaabo hoggaankooda.

Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayaa dhulkii ay maamuleysay ka dhigtay mid ka caagan weerarada Al Shabaab. Ahlu Sunna ayaana lagu ammaanaa in ay ummadda Soomaaliyeed bartay in lala dagaalami karo mintdiintaasi.

Ahlu Sunna ayaa lagu tilmaamaa mid fahamsan xeeladda dagaalka ee Shabaab, tani oo loo maleynayo inay Madaxweyne Xasan Sheekh ku riixday in uu garwaaqsado, sidii uu hoos ugu eegi lahaa damacooda siyaasiga ah, wada hadalo qarsoodi ahna uu la bilaabo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa laga warqabaa in uu yahay xiriiriyaha Villa Somalia iyo Hoggaanka Ahlu Sunna, tan iyo intii dib loo soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Muddadaasi ayaa waxaa la leeyahay Ahlu Sunna wax qalqal amni ah kama samayn Galmudug, taasi bedelkeedana ay xoogageeda u babac-dhigeen weeraradii qaraxyada ku bilowday ee kala dambeeyay, isla-markaana ay Shabaabku ka gayseen Degmada Baxdo iyo deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud. Waxa kaloo ka sii horreysay in Xerta Ahlu Sunna ay Shabaab ka hor istaageen in ay la wareegaan gacan ku haynta Degmada Wisil ee Gobolka Mudug. Xerta Ahlu Sunna oo qaab beeleed u abaabulan ayaana noqday cidda qura ee ay Shabaabku ka qabsan kari waayeen Wisil.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Madaxda Ahlu Sunna la kulmi doono, muddada uu ku sugan yahay Galmudug, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc