Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan gudaha u gelin Magaalada Jowhar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan gudaha u gelin Magaalada Jowhar

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Dheere ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Wafdiga Madaxweynaha ayaa la sheegay inaanay gudaha u gelin magaalada, sababo la xiriira arrimo amni.

Madaxweynaha ayaase la sheegaya in kulan uu Garoonka Maxamed Dheere kula qaatay Madaxweynaha Hirshabelle, kaas oo aan si dhab ah loo garanayn waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Magaalada Jowhar u tegay arrimo ku addan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Hiiraan iyo sidii loo dardargelin lahaa wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Tani ayaa waxay imaanaysaa, xilli maleeshiyada Shabaabka la sheegay in ay soo buuxdhaafsheen tuulooyinka ku hareereysan Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.

Mar sii horreysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Shabaabku ay damacsan yihiin in ay go’doomiyaan Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib uga laabtay Magaalada Jowhar, waxaana xubnihii safarkan ku wehliyay ka mid ahaa Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc