Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Asmara kula kulmaya Madaxweynaha Eritrea

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Asmara kula kulmaya Madaxweynaha Eritrea

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.

Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Asmara ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia ee X ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay ka wada hadli doonaan arrimo faa’iido u leh labada dal.

“Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doona arrimo faa’iido u leh labada dal, oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu laba cisho joogi doono dalkaasi.

“Labada Madaxweyne waxay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka ee danta ugu jirta labad dhinac.” Ayay sheegtay wasaaraddu.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalkaasi ayaa imaanaysa, iyadoo Muqdisho ay si weyn uga hortimid heshiiskii is afgaradka ahaa ee Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ay 1-dii bishan ku gaareen Magaalada Addis Ababa, lana xiriiray in Itoobiya laga kireynayo 20KM oo marin badeed ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay ka hadlayay kulan casho sharaf oo uu ku maamuusayay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanaanka Federaalka ayaa sheegay in heshiiskaasi uu liddi ku yahay qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Somaliya.

Madaxweynaha ayaa Dowladda Itoobiya iyo shacabkeedaba ugu baaqay inaanay ku kadsoomin heshiiskaasi, isagoona sheegay in dhul xor ah aysan dib ugu celin doonin in la gumeysto.

“Dowladda Itoobiya iyo dadka reer Itoobiya dhammaan waxaan leeyahay haku kadsoomina, haku kadsoomina, ma dhaceyso dhul Soomaaliyeed oo xor ah maanta inuu xornimadiisii waayo ma dhaceyso. Ciidaan leenahay, biyahaa leenahay, duulaan kuma nihin dal kale iyo dad kale ciidooda iyo dhulkooda, kama gorgortamayno, kama macaamilayno, kamana heshiin karno taako dhulka Somaliya ka mid ah. Waxaan leeyahay marka haku kadsoomina reer Itoobiyow.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc