Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ay uga bilaabatay dalka Norway

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ay uga bilaabatay dalka Norway

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Oslo, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha Somaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Axaddii gaaray magaaladaasi, isagoona kulan laba geesood ah la yeelan doona Raysal Wasaare Jonas Gahr Støre.

Villa Somalia ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay kulankooda kaga wada hadli doonaan xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Qaranka, Cabdiqaadir Cali Dige ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu sidoo kale khudbad ka jeedin doono Shirka Madasha Oslo, oo ah shir sanadle ah.

Agaasimaha oo VOA la hadlay ayaa sheegay in muddada Madaxweynuhu uu ku sugan yahay dalkaasi uu la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway.

“Waxaa dhici doona kulan ku saabsan taageerada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway ay u hayaan dagaalka ay Dowladda Soomaaliyeed ku ciribtireyso argagixisada.” Ayuu yiri Cige.

Dalkan ayaa waxaa ku nool Soomaali fara-badan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc