Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xarunta Al-Azhar ee Qaahira

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xarunta Al-Azhar ee Qaahira

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday Xarunta Al-Azhar Al-Sharif ee Magaalada Qaahira.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Sheikh Ahmed Mohamed Ahmed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Ahzar, iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fekerka ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo xaaladda kumanaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-Azhar .

“Madaxweynaha oo sheegay sida ay Somaliya uga go’an tahay in la sii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarumo lagu wajaho fekerka xagjirnimada ayaa ku martiqaaday Sheikh Ahmed El-Tayeb in uu booqasho ku yimaado Somaliya, si uu u soo arko horumarka iyo miro-dhalka Dowladnimada Somaliya.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Warka ayaa sidoo kale lagu yiri “Dhankiisa Sheikh Ahmed Mohamed El-Tayeb oo Madaxweynaha uga mahadceliyay booqashada ayaa aqbalay casuumadda, waxa uuna si adag u cambaareeyay fara-gelinta ay Dowladda Itoobiya ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, isaga oo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, Abdel Fattah El-Sisi ayaa xalay gaaray Caasimadda Qaahira.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalkaasi ayaa la xiriira xiisadda ka soo korortay Geeska Afrika, ee u dhaxeysa Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa, ee ay 1-dii bishan gaareen Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo Itoobiya u ogolanaya in bad kiro ah laga siiyo Badda Cas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc