Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cali Jeyte ugu yeeray in dagaalka ku soo laabto

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cali Jeyte ugu yeeray in dagaalka ku soo laabto

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadadii khadka teleefanka kula hadlay haldoorka Gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday in ay dib ugu soo laabtaan saaxada dagaalka dalka looga saarayo maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu teleefanka kula hadlay Odayaasha Dhaqanka, Xildhibaanada dadka deegaanka ku metela Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweynaha oo kol sii horreysay beesha bariga Beledweyne ku qanciyay in dib loo dhigo shirweyne ay bilowgii bishan beeshu iclaamisay inay ku yeelanayaan magaaladaasi ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu ka codsaday in wixii tabasho ah ay qabaan ay dib-u-dhigtaan, illaa iyo inta maleeshiyada Shabaabka laga saarayo daanta galbeed ee Webiga Shabelle, isla-markaana ay isugu yimaadaan wada hadal ay ku yeelanayaan Degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Shirka oo qaban-qaabadiisu ay lahaayeen Hoggaanka Dhaqanka ee beeshaasi ayuu qorshuhu ahaa in looga hadlo aayaha beesha, ka dib xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu bishii June ku sameeyay Gudoomiye Jeyte, waana xilli beeshu ay markii horeba sad-bursi ka tirsaneysay dadka wax kala dhaxeeyaan ee degga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Villa Somalia ayaa la fahamsan yahay in dhawaan ay si ku-meel-gaar ah u hakisay doorkii hoggaamineed Cali Jeyte ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, si ay u tixgeliso xil ka qaadista uu Madaxweyne Cali Guudlaawe ku sameeyay ninkaasi, iyadoo ka fogaaneysa khilaaf soo kala dhex gala iyada iyo Madaxweyne Guudlaawe iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar oo hal dhinac ka ah xil ka qaadista Cali Jeyte.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Cali Jeyte ku booriyay in uu soo xirto dareyskiisa militariga, dibna ugu soo laabto furimaha dagaalka, taas oo sida la sheegayo uu aqbalay.

Madaxda Qaranka ayaa garowsan in ninkaasi uu muhiim u yahay dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto kooxaha argagixisada.

Jeyte ayaa lafdhabar u ahaa kacdoonkii dadweyne ee horaantii bishii September ka bilowday Gobolka Hiiraan, markii dambena ku fiday Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug, oo Shabaabka lagaga saaray inta badan deegaanadii ay ka maamulayeen Gobolada Dhexe.

Tani ayaa imaanaysa, xilli uu habacsanaan iyo dib-u-dhac ku yimid hawlgalkii dib-u-xoreynta ee deegaanada Galmudug, ka dib markii ciidamadu ay si kedis ah u soo banneeyeen degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo horaan laga saaray Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay hadlay ayaa sheegay in uu sii socon doono dagaalka ay dowladdiisu ku wiiqeyso Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc