Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsi u gudbiyay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsi u gudbiyay Madaxweynaha Jabuuti

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Villa Somalia ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen xaaladda gobolka, xiriirka labada dal, iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab ee amniga iyo nabadda gobolka.

“Labada Madaxweyne ayaa iska wareystay xaaladda gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab, oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo nabadda gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle si dhow uga la hadlay la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo in dowladdiisu ay gacan ka gaysato hawlgalka dib uga bilaabanaya Gobolada Dhexe.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu doonayo in Ciidanka Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah ATMIS ay door ku yeeshaan ciribtirka maleeshiyada Al Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegaya in dhiggiisa Jabuuti uu ka codsaday in Djibouti ay Muqdisho kala shaqeyso hubka ay u baahan tahay in dunida ka soo iibsato, waana xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu 1-dii bishan dalka ka qaaday xayiraaddii hubka ee saarneyd.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta Caasimadda Djibouti kaga qaybgalay Meertada 41aad ee Urur Goboleedka IGAD.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc