Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shirka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shirka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Hannaanka Jiheynta ee Dowladnimada Somaliya.

Shirka oo socon doono muddo laba cisho ah ayaa waxaa ka qaybgelaya Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka iyo khubaro caalami ah oo aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyaynta dowladnimada.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Somaliya ay cagta saartay dhabaha dowladnimada casriga ah, loona baahan yahay in lala yimaado is bedel weyn oo muuqda.

“Waxa dhammaanteen aanu halkan u fadhino waxaa weeye inaan hal shay xaqiijino maanta, waxa kale oo dhami waa fursamo, laakiin hal shay oo dhib badan oo ah dhab ma naga tahay inaan is bedelno, hadday dhab naga tahay waa inaan is bedelno oo is bedelku uu aniga iga muuqdaa, laakiin haddii aydaan is bedelin oo sidaadii iska tahay, wax walba natiijadu sideedii uun bay ahaaneysaa.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo shirkaasi ka hadlayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhankiisa dul istaagay qodobada mudnaanta u leh xukuumadda ayaa Hay’adaha Dowladda Federaalka ku adkeeyay in ay xoogga saaraan ciribtirka maleeshiyada Al Shabaab, dhameystirka dastuurka, barnaamijka dayn-cafinta dalka iyo sidii Somaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saaran dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayaynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto, sidii ay Soomaalidu uga heshiin lahayd arrimaha siyaasadda, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.

“Waxaan rajeynaya shirkani in uu noqdo mid bilaaba is bedel la arki karo mid uu ka yimaado.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo intaasi ku daray in loo baahan yahay isla xisaabtan iyo qorsheyaal ay xukuumaddu leedahay, si looga miro-dhaliyo waxa qaranku uu hiigsanayo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc