Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Sacuudiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Sacuudiga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Riyadh ee Xarunta Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa martiqaad ka helay Boqorka Sacuudiga, Salman bin Abdulaziz, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, amniga iyo ganacsiga.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan bin Cabdicasiis ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa sheegay “Somaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed xusuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyadii adkaa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka soo laabtay safar uu Isniintii ku tegay Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa u ambabaxay dalkaasi.

Booqashada shaqo ee Madaxweynuhu ku tegay Sacuudiga ayaan la aqoon muddada ay qaadan doonto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc