Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Talyaaniga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Rome ee xarunta dalkaasi Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa shirar heer caalami iyo kuwo gobolba leh kaga qaybgelaya Caasimadda Rome, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Qaranka, Cabdiqaadir Cali Dige.

“Madaxweynaha ayaa waxa uu ka qaybgeli doonnaa shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol oo ka qabsoomi doona Magaalada Rome.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay “Madasha Geeska Afrika iyo Talyaaniga ayuu Madaxweynuhu qayb ka noqon doonnaa, oo ay ka qaybgeli doonaan wadamada Geeska Afrika ku yaala madaxdooda.”

Dige ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu sidoo kale ka qaybgeli doono shir saddex geesood ah, oo ay yeelanayaan sida uu yiri Dowladaha Talyaaniga, Itoobiya iyo Somaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale wuxuu ka qaybgeli doonnaa shir saddex geesood ah, oo ay yeelanayaan Dowladaha Talyaaniga, Itoobiya iyo Somaliya.” Ayuu yiri Dige.

Dige ayaa intaasi ku daray “Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda ayaa ka qaybgeli doona Shirka Qaramada Midoobey ee la dagaalanka cunto yarida iyo ka hortagga macluusha.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc