Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Turkiga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray Magaalada Ankara ee xarunta dalkaasi Turkiga.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu Caasimadda Ankara kaga qaybgalo munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo toddobaadkii hore ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo Madaxweyne Erdogan, kaas oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka iskaashi ee labada dal.

Labada Madaxweyne oo mar sii horreysay khadka teleefanka ku wada hadlay ayaa waxay ka wada hadleen ahmiyadda xiriirka labada dalka iyo sidii loo dardargelin lahaa.

Madaxweyne Erdogan ayaa lagu wadaa in Sabtidan lagu dhaariyo Xarunta Baarlamaanka Turkiga, iyadoona ay suurtagal tahay in caawa uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada cusub.

Madaxweyne Erdogan ayaa xilka loo doortay shanta sano ee soo socota, isagoona dalkaasi soo maamulayay labaatankii sano ee ugu dambeysay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc