Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Uganda

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray Magaalada Kampala ee dalkaasi Uganda.

Caasimadda Kampala ayaa lagu wadaa in maanta ay ka qabsoomto munaasabad si rasmi ah loogu saxiixayo ka mid noqoshada Somaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Somaliya ayaa 24-kii bishii hore ee November laga aqbalay in ay ku biirto Dalladda Bulshada Bariga Afrika, ka dib shir madaxeedkii 23aad ee madaxda dalalkaasi ku yeesheen Magaalada Arusha ee dalkaasi Tanzania.

Somaliya ayaa noqoneysa dalkii 8aad ee ka mid noqdo Ururka EAC, si ay u ballaariso ganacsiga xorta ah ee gobolka.

Dalalka ku bahoobay dalladan ayaa kala ah Tanzania, Rwanda, Burundi, Uganda, Kenya, South Sudan, Somalia iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc