Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Djibouti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Djibouti

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Djibouti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Caasimadda Djibouti kaga qaybgelaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo lagu wado in magaaladaasi uu ka furmo.

“Meertada 14aad ee IGAD oo sanadkan diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka gobolka ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay ku soo bandhigi doonaan doorka kaga aaddan Dowladda Federaalka Somaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay “Hoggaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Suudaan, mideynta dadaalada heer gobol ee ciribrirka argagixisada, xoojinta is dhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc