Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay Machadka RUSI ee London (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay Machadka RUSI ee London (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Magaalada London ayaa maanta kulan dadweyne kaga qaybgalay Xarunta Machadka Cilmi Baarista Amniga ee RUSI.

Madaxweynaha ayaa kulankaasi kaga hadlay dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto maleeshiyada Al Shabaab iyo aragtidiisa ku aaddan mustaqbalka Somaliya.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay marxaladaha uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada, caqabadaha jira iyo horumarka laga sameeyay, isagoo tilmaamay in markii ugu horreysay dowladdu ay dejisay siyaasad cad, oo lagu la diriraayo argagixisada, taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal saddex jiho leh, oo Al Shabaab loogu wiiqayo militari ahaan, dhaqaale ahaan iyo feker ahaan, oo lagu suulinayo afkaarta khalafsan ee Shabaabnimada.

“Madaxweynaha oo dulmaray horumarka laga sameeeyay hawlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada ayaa tilmaamay in ka badan sideetan deegaan oo Khawaarijta dadka ku dhibaateynaysay ay maanta xor yahiin, Dowladda Federaalkana ay gaarsiisay adeegyadda aasaasiga ah, sida waxbarasho bilaash ah, caafimaad iyo biyo.” Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer u dul istaagay ahmiyadda dhaqaale iyo horumar ee ay dalka u leeyihiin deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta, oo uu tilmaamay in ay yihiin dhulka ku habboon tacbashada iyo kor u qaadidda wax soosaarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay qorshaha DFS ee la wareegidda masuuliyadda amniga dalka iyo bixitaanka Ciidamada ATMIS ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dadaal xoogan gelisay dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, ayna ka go’antahay in waqtiga kooban dalka looga sifeeyo argagixisada. Madaxweynuhu sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada ATMIS dalka ka baxayaan dabayaaqada sanadka 2024.”

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa saaxiibada caalamiga ee taageera dib-u-dhiska iyo horumarka dalka ugu baaqay in ay laba jibaaraan dadaalkooda garab istaagga Somaliya xilligan muhiimka ah, si guulo macno leh looga xaqiijiyo dadaalada socda ee dib-u-xoreynta dalka, dib-u-dhiska iyo horumarinta isugu jira.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay doorkooda hawlgalka dib-u-xoreynta, isla-markaana ay aasaas u yihiin guulaha muuqda ee Ciidanka Xoogga Dalka ka gaareen dagaalka lagu doonayo in xididada loogu siibo Shabaabka hubeysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Isniintii Magaalada London kaga qaybgalay shir caalami ah, oo ay soo qaban-qaabisay Dowladda Britain, loogana hadlayay dhibaatada cunno yarida ee dunida ka jirta.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray, sidii loo heli lahaa cunno ku filan dadka, isla-markaana la isku haleen karo, iyadoo markaasi laga hortaggayo waxyaabaha keena macluusha.

Dhibaatada cunno yarida ee dunida ka jirta ayaa loo aaneynaya rabshadaha iyo colaadaha ka jira meelo ka mid ah adduunka, oo saameeyay cunnada iyo nolosha guud ee bulshada caalamka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc