Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay gulufka ku wajahan Ceelbuur & Galhareeri (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay gulufka ku wajahan Ceelbuur & Galhareeri (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si feejigan ugu sii siqayaan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha oo xalay kulan dadweyne kaga qaybgalay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, waxna laga weydiiyay hawlgalka lagu qabanayo Ceelbuur iyo gaabiska dhanka ciidamada ee jira ayaa sheegay in dagaalku aanu waqti cayiman lahayn.

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday ka dowlad ahaan inay jecel yihiin in ciidamadu ay si dhakhsa ah ula wareegaan magaalada, balse ay shaqo adag ka horreyso.

“Waa run Ceelbuur ayaa lagu sii socdaa, haddee wuxuu waa dagaal, dagaalkuna waqti go’an ma lahan, caawaba inaan Ceelbuur joogno annaga waan jecelnahay. Caawa inaan Ceelbuur u hooyano oo berri subixii uu waaga noogu baryo Ceelbuur oo calankii ummadda Soomaaliyeed uu ka taagan yahay waan jecelnahay, laakiin howlaa ka horreyso, howshaasna waa lagu jiraa, dhinac walbaana looga sii socdaa, waan hubaa muddo aan dheereyna waa la gaarayaa Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanka intiisa kale oo dhimanba, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hawlgalkan aysan qayb ka ahayn Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya.

Waxa uu tilmaamay kal doorashadiisii hore hawlgalkii lagu qabtay Magaalada Ceelbuur inay ku wehlinayeen Ciidamada Itoobiya, balse kolkan aanay qayb ka ahayn gulufka ballaaran ee yoolkiisu yahay in lagu xoreeyo magaaladaasi.

“Hawlgalkii hore AMISOM ayaa Ceelbuur nala qabatay oo nala socotay oo nala dagaalameysay oo na garab socotay, maanta AMISOM na lama socoto, nala dagaalami mayso. Waxa tagaya waa wiil Soomaaliyeed ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ha ahaado ama difaaca bulshada ha ahaado, kuwii reer Ceelbuur ayaa difaaca bulshada ah, waxa meesha tagaya ka mid ah, ayagaa joogayo, dowladdana inta laga hubinayo inaanay khatar ku sugnayn Ceelbuur, ciidamadu way joogayaan, maalintii Ceelbuur iyo agagaarkeeda inaysan khatar ku sugnayn la arko, ciidan difaaca Ceelbuur oo amni, kuna filan uu helo, maalintaas ayay dowladdu ka soo tagi doontaa, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay in uu kormeero deegaan kasta oo laga saaro kooxaha argagixisada.

“Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo, sidii aan horeyba u tegay, iyada oo la ii sheegayo in amnigaygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isugu dhigo, iyadoo wiilal dhallinyaro ah ay naftooda hurayaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa tan iyo 5-tii bishan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, isaga oo u jooga hawlgalka maleeshiyada Shabaabka lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa reer Galmudug ku booriyay in ay horkacaan gulufkan la damacsan yahay in dalka looga ciribtiro sida uu yiri Khawaarijta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc