Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Turkiga garab istaagga shacabka iyo Dowladda Turkiga ay ka muujiyeen xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliya.

“Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo deganaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyay doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska iyo Dowladnimada Somaliya.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in Ankara ay ka walaacsan tahay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay gaareen Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo aan wax ogolaanshaha ah looga haysan Dowladda Somaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in Turkigu uu aqoonsan yahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

“Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya. Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa in mowqifkani uu sidoo kale shardi u yahay sharciga caalamiga ah.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc