Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Afrika & Sacuudiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Afrika & Sacuudiga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay Madasha Iskaashiga Sacuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Somaliya ee ku aaddan garab istaagga shacabka Falastiiniyiinta & joojinta duqaynta ka socota Gasa.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay, sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-gelayaan gobolka iyo qaaradda, iyadoo ay barbar socdaan dib-u-dhiska dalka, xoreynta deegaanada iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Somaliya ay haysato mustaqbal fiican.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay garab-istaagga iyo iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Somaliya, isagoo sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta xiriirka labada dhinac.

“Laga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno caalamka dhanka beeraha, khayraadka xoolaha, tan khayraadka cagaaran, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, khayraadka badda iyo hal abuurka Teknolojiyadda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee ay u fidiyeen Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Sacuudigu ayaa kula dardaarmay madaxda ka soo qaybgashay madashan in ay la fil noqdaan caqabadaha iyo duruufaha ku xeeran qaaradda, miisaanna u yeelaan Iskaashiga Sacuudiga iyo Afrika.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc