Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ee London (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ee London (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee looga hadlayo cunno yarida dunida ee ka furmay Magaalada London.

Shirkan oo ay martigelinayso Dowladda Britain ayaa waxaa ka qaybgalay madax kala duwan, oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Somaliya oo xalay gaaray Caasimadda London.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaalada caalamiga ah ee dabar-goynta macluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka ay xoreeyeen degmooyin iyo deegaano hodon ku ah dalaga beeraha, balse ay curyaamiyeen maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii ay nolosha u diideen sida uu yiri dadkii beeraleyda ahaa.

Raysal Wasaaraha Britain, Rishi Sunak oo daahfuray shirka ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyada UK ay boqol milyan oo dollar ku maalgelin doonto mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Somaliya.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray, sidii loo heli lahaa cunno ku filan dadka, isla-markaana la isku haleen karo, iyadoo markaasi laga hortaggayo waxyaabaha keena macluusha.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la qaatay Raysal Wasaaraha Britain ayaa sheegay in dowladdiisu ay mudnaanta siineyso in gargaarka la siiyo Somaliya loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha ku xeeran nolosha dadka Soomaaliyeed iyo dadaalada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macluushii ay la kowsatay sanadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka, ee ay sababeen daadadka roobabka ee barakiciyay kumanaan qoys.

Shirka London ayaa imaanaya, iyadoo meelo badan oo caalamka ah ay ka jiraan rabshado iyo colaado, oo sida la sheegay saameeyay cunnada iyo nolosha guud ee bulshada caalamka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc