Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Horumarinta Caalamiga ah (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Horumarinta Caalamiga ah (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bankiga Adduunka ay ku yeesheen Magaalada Nairobi.

Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) oo hoostagta Bankiga Adduunka ayaa soo qaban-qaabisay shirkan, waxaana looga hadlayay horumarinta iyo maalgashiga Afrika.

Madaxweynaha Somaliya ayaa shirka ku soo bandhigay qorshaha Dowladda Federaalka ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maalgeliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax soosaarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka qaaradda ay aasaas u tahay qorsheyaasha kobcinta nolosha dadka danyarta ah, ciribtirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

“Somaliya marka loo eego dhaawaca soo gaaray dhaqaalaheeda iyo hay’adaheeda dowladeed, maanta waxaa muuqaneysa in ay aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladdii aadka u adkeyd, iyadoo cagta saartay dhabaha xasilloonida dhaqaale, horumar bulsho iyo mid ganacsi. Saas oo ay tahay waxaan sii wadnaa qorsheyaal lagu xaqiijinayo soo kabashadaas dhaqaale iyo dhiirigelintiisa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay Madaxda Bankiga Adduunka dadaalka ay ku bixinayaan maalgelinta iyo awood-siinta dowladaha nugul, si xal waara loogu helo aafooyinka dib-u-dhigay nolosha shucuubta dalalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc