Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray ciidamada degan duleedka Maxaas (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray ciidamada degan duleedka Maxaas (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii saddexaad ku sugan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa kormeeray Ciidanka Xoogga Dalka ee degan duleedka degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka.

Madaxweynaha oo dhiirigelin ugu tegay ciidamada ayaa ku ammaanay, sida ay ugu taagan yihiin dalka difaaciisa.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in ciidanka difaacooda soo banneeyay iyo kuwa weli saldhigyadooda ku sugan aanay isku mid u ahaan doonin qaranka.

Dhanka kale ciidamada ayaa fashiliyay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, xilli la sheegayo in Madaxweynuhu uu ka soo laabtay xeradii uu ciidamada ku kormeeray.

Wararka ayaa sheegaya in ninkii kaxeynayay gaarigaasi uu goob cidlo ah ku qarxay, ka dib markii ciidamadu ay rasaas oodda kaga qaadeen.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya inay hayeen xogta gaariga, isla-markaana ay ka hortaggeen ciidamada ku sugan mid ka mid ah kontoroolada laga soo galo degmadaasi. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa illaa 10km u jirta degmada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug u jooga dardargelinta hawlgalka militari ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay jiridda u siibi doonto Shabaabka dhowr iyo tobanka sano dalka ka dagaalamaya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc