Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku foogan in la wiiqo Al Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku foogan in la wiiqo Al Shabaab

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad ku sugan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la kulmay Hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka.

Kulanka ayaa la xiriiray qorshaha dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Hoggaannada Taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Khawaarijta dalka looga sifeynayo, iyaga oo adkeeyay sida nafhurnimada iyo geesinimada leh ee ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha oo sheegay in dowladdiisu ay qorshe cad ka leedahay dhameystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda ayaa kula dardaarmay in ay ka soo baxaan doorkooda.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay dhameystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna Saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda, si looga guuleysto argagixisada dhibka ku haysa dadka iyo dalka.” Ayaa lagu sheegay warka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Axmed Aadan Cali.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku foogan, sidii loo wiiqi lahaa mintidiinta Al Shabaab, waana sababta uu muddooyinkii ugu dambeysay u joogay deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa marar badan sheegay inaanu dagaalku joogsan doonin, illaa iyo inta Shabaabku ku sugan yihiin taako ka mid ah dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc