Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku kalsoon in uu sii xoogeysan doono xiriirka Somaliya iyo Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku kalsoon in uu sii xoogeysan doono xiriirka Somaliya iyo Turkiga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha dalka Turkiga ee dib loo doortay, Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee maanta ka dhacday dalkaasi.

Madaxweynaha Somaliya ayaa dhiggiisa Turkiga u rajeeyay in uu ka miro-dhaliyo xaqiijinta yoolasha horumarineed iyo hiigsiga shacabka Turkiga.

“Waxaan u hambalyeynayaa walaalkey Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, guusha taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka dhacday dalka Turkiga. Waxaan u rajeynayaa shacabka iyo dowladdaa aan walaalaha nahay ee Turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda iyo horumarka ballaaran ee xowliga ah ee ay ku tallaabsadeen sanadihii la soo dhaafay.” Ayuu yiri Madaxweynuhu ku sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in dib u doorashada Erdogan ay sii xoojin doonto xiriirka wanaagsan iyo iskaashiga laba geesoodka ah, isagoona xusay in Somaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qoto dheer.

Villa Somalia ayaa Turkiga u aragta saaxiibka ugu weyn ee uu maanta dalku leeyahay, iyadoona Ankara ay Muqdisho ka taageerto arrimaha amniga, dib-u-dhiska ciidamada & tayayntooda, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Turkiga ayaa Muqdisho ku leh safaaraddiisa ugu weyn ee dunida iyo weliba saldhig militari (Camp TURKSOM), kaas oo ah saldhigga ugu weyn ee uu xilligan ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc