Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka bilaabay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka bilaabay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ka dib si ku-meel-gaar ah ugu shaqayn doono Magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi ka bilaabay kulamada uu la leeyahay Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.

Madaxweynaha ayaa xalay la kulmay Odayaasha Dhaqanka Galmudug qaybtood, isaga oo kala hadlay gulufka la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro deegaanada Galmudug.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Odayaasha Dhaqanka Galmudug ay lafdhabar u yihiin qorshaha ciribtirka Khawaarijta, isagoo ku adkeeyay in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in Odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna.

Dhankooda Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa ballanqaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan, sidii looga mira dhalin lahaa Somaliya xor ka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa juhdi badani ku bixinaya, sidii dadka reer Galmudug ay ugu midoobi lahaayeen dagaalkan xididada loogu siibayo Shabaabka Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha ayaa maalmaha soo socdo sii wadi doona kulamadan uu la leeyahay bulshada reer Galmudug, iyadoona la filayo in halkaasi uu kaga dhawaaqo wejiga labaad ee hawlgalka ku wajahan dhulka ay Shabaabku maamulaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc