Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay bulshada Galmudug qaybteed (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay bulshada Galmudug qaybteed (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si ku-meel-gaar ah saldhig uga sameystay Magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi ka sii wada kulamada uu la leeyahay bulshada reer Galmudug.

Madaxweynaha oo xalay la kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada reer Galmudug ayaa kala hadlay xasillinta deegaanada laga xoreeyay maleeshiyada Al Shabaab iyo qorshaha dowlada ku gaarsiineyso adeegyada aasaasiga.

Dowladda Federaalka ayaa deegaanada la xoreeyo ugu talagashay mashaariic horumarineed oo laga fuliyo deegaanadaasi, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo kaabeyaasha kale ee dhaqaalaha, waxaa intaasi dheer qorshe ay ugu talagashay in lagu xasilliyo.

Madaxweynaha ayaa dhinacyadii uu xalay la kulmay la wadaagay juhdiga badani ay dowladdiisu ku bixineyso, sidii kooxaha argagixisada looga suulin lahaa deegaanada Galmudug.

“Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixiso dabar-goynta kooxaha argagixisada ah, oo ay Ciidamada Qaranku ka soo hooyeen guulo wax ku ool ah, isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka deegaanka ee halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb u jooga dardargelinta hawlgalka ballaaran ee maleeshiyada Shabaabka lagaga sifeynayo dhulka Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc