Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Cali Jeyte

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Cali Jeyte

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo habeen hore kulamo ka wado Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadanaya siyaasiyiinta, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto gobolkaasi iyo weliba dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, oo hadda ku adkeysanaya in uu yahay Madaxweynaha Hiiraan State.

Shir 25-kii bishii June ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in Cali Jeyte loogu doortay Madaxweynaha Hiiraan State, halka ku xigeenkiisa loo doortay Axmed Cismaan Cabdalla Inji.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Cali Jeyte ayaa ka wada hadlay la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo sidii dagaalka loo dardargelin lahaa, sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

“Madaxweynaha iyo Cali Jeyte dhowr mar ayay is arkayn, waana wada hadleen, waxayna ka wada hadleen uun waa arrimaha dagaalka ah iyo sidii dagaalkaas loo sii laba jibaari lahaa, maadaama Cali Jeyte uu dagaalkan bilowgiisa uu kow ka ahaa, taas ayaana taladeedii, tusmadeedii iyo wadatashigeedii isaga yimaadeen.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir oo qudhiisa ka mid ahaa Xildhibaanadii uu Madaxweynuhu la kulmay.

Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir oo BBC la hadlay ayaa sheegay inay Madaxweynaha ka wada hadleen in ay lagama maarmaan tahay in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada.

“Madaxweynaha waxaan isla garanay cadowga Shabaab inuusan qof bani’aadam ah dhaafeynin, qof welibana inay masuuliyad ka saaran tahay in si wadajir ah dagaalkaasi loo wada galo, la lana laba jibaaro, dadka deegaankana lagu wacyigeliyo in weli uu cadowgu taagan tahay.” Ayuu yiri Xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa sheegaya inaanan kulamada ka socda Degmada Maxaas looga hadleynin wax la xiriira arrimo siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Maxaas u jooga dardargelinta dagaalka uu qorshihiisu yahay in Shabaabka lagaga saaro Gobolada Dhexe.

Maxaas ayaa lagu tilmaamay goob istiraatiiji oo muhiim u ah hawlgalka ay ciidamadu ka sameynayaan deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa maskax iyo muruqba ku bixinaya, sidii mintidiinta Al Shabaab looga suulin lahaa bartamaha dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc