Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ahna Raysal Wasaaraha dalkaasi, Mohammed bin Salman.

Madaxweynaha iyo Amiir Mohammed bin Salman ayaa ka wada hadlay arrimo badan, oo ay ka mid yihiin xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga & xiriirka labada dal, dhaqaalaha, maalgashiga iyo amniga.

“Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Sucuudiga, arrimaha dhaqaalaha, maalgashiga iyo ganacsiga, difaaca, amniga iyo madaxbannaanida Somaliya.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay “Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay soo bandhigtay, sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Somaliland, kaas oo caqabad ku ah deris wanaagga iyo xasilloonida gobolka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii gaaray dalkaasi, ka dib markii uu casuumaad ka helay Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz.

Booqashadan uu Madaxweynuhu ku joogo dalkaasi ayaa ku soo aadaysa, xilli ay mar kale cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan Somaliya iyo Itoobiya.

Somaliya ayaa Khamiistii soo saartay amar ay dalka uga ceyrisay Safiirkii Itoobiya, Danjire Mukhtaar Maxamed Waare, kaas oo la faray in muddo 72 saac gudahood ah uu dalka uga baxo.

Qaraar ka soo baxay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa lagu sheegay in la xirayo Qunsuliyadaha Itoobiya ku leedahay Magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe, sababo ku aaddan Itoobiya oo ay ku eedeeyeen inay fara-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Somaliya. Diblomaasiyiinta Itoobiya ayaa lagu amray in toddobaad gudihiis ay uga baxaan labada qunsuliyadood ee magaalooyinkaasi.

Xiisadda labada dal ayaa ka dhalatay heshiiskii Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay 1-dii bishii January ku gaareen Magaalada Addis Ababa, iyada oo Itoobiya uu u ogolanayo in laga kireeyo marin badeed.

Heshiiska ayaa Itoobiya ka caawinaya inay deked ka hesho Badda Cas, taas oo Dowladda Somaliya ay si weyn uga hortimid.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa horaan sheegay in heshiiska uu dhigayo in Addis Ababa laga kireeyo 20km oo marin badeed, si ay ugu bedelato aqoonsi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc