Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaabooyin kala duwan ula kulmay Guddiga Dib-u-eegista & La socodka Hirgelinta Dastuurka KMG ee Baarlamaanka Federaalka iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista & Hirgelinta Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa Xubnaha Guddiyadan kala hadlay muhiimadda uu dhameystirka Dastuurka KMG u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska dalka.

“Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay howlaha uga qabsoomay howlaha dib-u-eegista iyo la tashiyada dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed laga qaybgeliyo, waxa ayna xuseen in si degdeg ah ay u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, si ay waajibaadkooda uga gutaan.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo caawa ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha oo kulamadan uu ku wehlinayay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka, halka Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo bandhigay, sida Xukuumadda Federaalka ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib-u-eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyay Xubnaha Labada Guddi howlaha u qabsoomay ayaa kula dardaarmay dardargelinta qabyotirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan, sidii Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhameystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.”

Wasiirka Caddaaladda & Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Macalin Maxamuud ayaa Axaddii qodobada heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran ku wareejiyay Gudoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista & La socodka Hirgelinta Dastuurka, Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidow) oo uu wehliyo Xoghayaha Guddiga, Senator Siciid Cabdi Xuseen {Cawke}, si loogu bedelo luqad dastuuri ah.

Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa xilligaasi sheegay in Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista & Hirgelinta Dastuurka ay si dhakhsi ah u taaba-gelin doonaan howlaha dastuuriga ah ee horyaalla.

8-dii bishan ayay ahayd, markii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ay ansixiyeen jiheynta hannaanka doorashooyinka dalka, looguna wareegayo nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, kaas oo bedelaya nidaamka hadda jira ee Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha, muddo xileedka Madaxweynahana laga dhigay 5 sano, halka uu 4 sano ka ahaa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc