Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray Magaalada Djibouti ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Jamhuuriyadda Jabuuti kaga qaybgalay kulan lagu sii ambaqaadayo wada hadalada labada dhinac.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti kaga qaybgalay kulan lagu sii ambaqaadayo wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Somaliland.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa martigelinaya dadaalada dib loogu bilaabayo wada hadalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa safarka ku wehlinaya masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ah Ergayga Madaxweynaha Dowladda Federaalka U Qaabilsan Arrimaha Somaliland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc