Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay masuuliyiin ka tirsan Bankiga Adduunka & IMF

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay masuuliyiin ka tirsan Bankiga Adduunka & IMF

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Washington kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, saacado uun ka dib, markii ay shaaciyeen in dunidu ay Somaliya ka cafisay lacagtii ay ku lahayd.

Bayaan ay si wadajira u soo saareen ayay ku sheegeen in Somaliya laga cafiyay afar dhibic shan bilyan oo lacagta Mareykanka ah ($4.5B), lacagtan oo ay ku lahaayeen dalalka iyo ururada maaliyadeed ee ugu waaweyn caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hay’adahan uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalku ka gaaray barnaamijka dayn-cafinta.

“Madaxweynaha ayaa masuuliyiintan kala hadlay sidii hay’adahoodu ay mar kale Somaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himilooyinka dhaqaale ee u degsan, tayaynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Somaliya ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay dadaal ugu jirtay, sidii ay dunida uga dhaafi lahayd amaahda lacageed ee lagu leeyahay, hadafkaas oo ugu dambayntii ay xalay xaqiijisay.

Dayn-cafinta ayaa khad cusub u jeexeysa Somaliyada maanta, iyadoona naawileysa ilo dhaqaale oo muhiim ah, si ay u xoojiso kobaca dhaqaalaheeda, ayna u yareyso saboolnimada, isla-markaana ay sare u qaaddo shaqo abuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyay in Somaliya laga cafiyo dayntii uu dulsaarkeedu kordhayay.

Deputy Managing Director Antoinette Sayeh greets President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud at IMF headquarters in Washington D.C on December 13th 2023.
IMF Photo/Kim Haughton

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc