Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Saraakiisha Kumaandooska Gorgor (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Saraakiisha Kumaandooska Gorgor (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo bartamaha dalka u jooga dardargelinta hawlgalka militari ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada qaybtood.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka, isagoona ka dhageystay warbixino ku saabsan dagaalka lagu la jiro maleeshiyadaasi.

“Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda dagaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kula jiraan Khawaarijta uu u leeyahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah, oo la mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo qarankooda, loogana soo horjeeday gumeystaha shisheeye.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka, loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankan waddadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowladda iyo shacabka Somaaliyeedna way idin garab taagan yihiin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay doorka Kumaandooska Gorgor ee ku aaddan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha Gorgor kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda, isla-markaana ay laba jibaaraan gulufka militari ee dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada, iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku foogan dagaalka lagu wiiqayo maleeshiyada Shabaabka ayaa Dhuusamareeb ka sameystay bar uu kala socdo hawlgalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc