Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Ururka Haweenka Qaranka (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Ururka Haweenka Qaranka (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay masuuliyiinta iyo howlwadeennada Ururka Haweenka Qaranka, oo magaaladaasi u tegay garab istaagga Ciidanka Xoogga Dalka ee hawlgalka ka wada deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa haweenka kaga mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen ciidamada wada gulufka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo Gobolada Dhexe.

“Madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyigelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isaga oo ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaanada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso dalkeenna.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Dhankooda, haweenka Soomaaliyeed ee kulanka ka qaybgalay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyaga oo ballanqaaday in ay hareer joogi doonaan wiilashooda qaybta ka ah halganka dalka lagu xoreynayo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Galmudug u jooga dardargelinta qorshaha dagaal ee la doonayo in lagu wiiqo Shabaabka Gobolada Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya dadka deegaanka ee la abaabulay ayaa haatan hawlgal ballaaran ka wada Bariga Gobolka Galgaduud.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda, Wasiirka Haweenka Galmudug iyo Agaasimaha Wacyigelinta Bulshada ee Madaxtooyada Qaranka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc