Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sii jeeda Degmada Maxaas

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sii jeeda Degmada Maxaas

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka ambabaxaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo tan iyo 5-tii bishii August ay ku sugnaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in si weyn degmadaasi looga diyaargaroobay soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyadoona maalmihii ugu dambeysay ay gaarayeen wufuud isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha ayaa ugu socdaalaya Maxaas, sidii loo dardargelin lahaa dagaalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in halkaasi uu ka ambabixiyo ciidan xoog leh, oo mar kale lagu jiheynayo in ay qabtaan Magaalada Ceelbuur iyo deegaanada hoostagga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amar ku siin doona Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida in ay gacan bir ah ku qabtaan amniga deegaanada iyo tuulooyinka ku xeeran magaaladaasi.

Booqashadan ayaa noqoneyso tii labaad ee Madaxweynuhu uu ku taggo Degmada Maxaas, tan iyo intii dib loogu soo doortay xafiiska. Booqashadan middii ka horreysay ayuu degmadaasi ku tegay 19-kii bishii November.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc